Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 1,170 views

Taariikh Nololeedka Professor Cali Xasan: Tiirkii Waxbarashada Soomaaliya

Allaha u naxariistee Professor Cali Xasan Maxamed oo 14-kii bishan ku geeriyooday magaalada Muqdisho, ayaa waxaa bulshada Soomaaliyeed usoo gudbineynaa taariikh nololeedkii Profosser-ka iyo heerka uu ka gaaray aqoonta.

Prof Cali Xasan wuxuu ahaa macalin academician ah iyo cilmi baare muhim ah. Wuxuu Taaariikh weyn ku lahaa xarumaha cilmiga, Jaamacadaha iyo hey’adihii tacliinta sarre ee Somalia. Wuxuu qayb muhim ah ku lahaa abuuritaankii kuliyadahii culuunta siyaasada iyo saxaafadda ee JUS xiliyadii Somalia ka jirtay nidaamkii dowladeed ee shaqeynaayay, kadib burburkii nidaamkii dowladeedna, wuxuu u istaagay dhismaha xarumo waxbarasho si aqoontu u noqoto mid aan burburin, wuxuuna ka shaqeeyay in dalku ka hirgalo dugsiyo waxbarasho iyo jaamacado ilaa maanta ardayda ka qalin jabisa ay abaal ugu hayaan marxuumka.

Magaca: Cali Xasan Maxamed

Taariikhda Iyo Meesha Dhalashad: Ceel-Dheer,Galgaduud, 1944

Jinsiyada: Soomaali

Waxbarashada

Waxbarashada Dugsiga Hoose: Muqdisho,1958
Waxbarashada Dugsiga Dhexe: Muqdisho, 1962
Waxbarashada Dugsiga sare: Masar, 1966
Shahaadada heerka Kowaad ee jaamacadda(B.A): Luqada Carabiga iyo Darasaadka Islaamka ,Kuliyada Daaru Culuum-Jaamacadda Qaahira, Masar 1970.
Diploma Sare: Siyaasada Iyo Cilmigga Bulshada,Machadka Caalamiga ah ee waxbarashada Bulshada ,Moosko,1977
Shahaado labaad ee heerka kowaad ee jaamacada(B. A.) : Cilmiga Taariikhda,,Jaamacaddi Umadda Soomaliyeed, Kuliyada Waxbarashada Lafole 1981.
Diploma Sare: Cilmiga Bulshada Iyo Siyaasada Akademiyada Bukharest ee Siyaada Iyo Cilmiga Bulshada –Romania, 1987.
Diploma Sare: Istiraatiijiyada iyo Amniga Qaranka, Machadka istiraatiijiyada Sare ee Qaranka,1988.
Diploma Sare: Cilmiga Siyaasada, Jaamacadda Nileyn, Khartuum),1997.
Shahaadada Heerka labaad(MA degree): Daraasaadka Afrika, Jaamacadda Caalamiga ee Afrika, Sudan, 1997.
PHD: Cilmiga Siyaasada(Qabiilka Iyo hardanka awooda xukunka Somaaliya inta u dhaxaysay 1960-1995), Jaamacada Nileyn, Sudan
Khibrad Shaqo
Bare Dugsi sare 1970-1972
Maamule Dugsiga sare ee Jowhar 1973
Maamule dugsiga sare ee Boorama 1975
Guddoomiyaha Waxbarashada Gobolka Mudug 1976
Bare Taariikhda iyo Cilmiga Siyaasada- Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed.
Hormuudka Kulliyadda Waxbarashada Lafole 1983-1985.
Hormuudka Kulliyadda Siyaasada iyo Saxaafadda, 1988-1990.
Bare Darasaadka Afrika, Jaamacadda Muqdishu.
Gudoomiye ku Xigeen arrimaha waxbarashada, Jaamacadda Muqdishu 1997-2016
Buugaagta Qalin-Jabinta Diploma,Master iyo PHD

Diplomada Sare ee Daraasaadka Istiraatiijiga iyo Amniga Qaranka(Xisbiyada Siyaasiga ee Dunida Seddaxaad).
Diplomada Sare ee Cilmiga Siyaasada(Aragtida isku dheelitirka awoodaha ee xiriirka caalamiga ah).
Shahaadada Masterka (Doorka Xisbiyada Siyaasiga ku lahaayeen xoriyadda Soomaliya inta u dhaxaysay 1943-1960).
PHD Culuunta Siyaasadda (Qabiilka Iyo Hardanka Awooda Xukunka Soomaaliya inta u dhaxaysay 1960-1995).
Cilmi-baaris iyo Maqaalo Cilmi ah

Aqoonyahankan wuxuu ka qeyb qaatay Diyaarinta manhajka Carabiga ee “Al-Murshid” kaas oo looso saaray Dugsiga sare fasalka koowaad ila fasalka afaraad. wuxu sido kale qoray maqaalo isugu jiro taariikh,armiha bulshada iyo siyaasada kuwaas oo lagu daabacay wargeyska qaranka ee maalinlaha qeybihiisa luqada Af-Somaaliga iyo Carabiga.

Maqaalo la daabacay

Dhibaatooyin Somaliya iyo Bariga Africa sanadkii 1982
Qabiil iyo Qaran 1983
Doorka luqada Carabiga ee Soomaaliya 1986
Sababaha keenay dhibaatooyinka ka taagan Soomaliya,qaabka iyo natiijada, Majalada Arimaha Istiraatiijiga,Khartuum, Aug 1995.
Xididdada dhibaatooyinka Somaliya ee dhinaca bulshada, Majalada Arimaha Istiraatiijiga,Khartuum, June 1996.
Sababaha iyo natiijada halganka Somaaliya ,1997
Indheergaradka iyo kaalinta uu ku leeyahay bulshada Somaaliyeed, 1997
Professor Cali Xasan Maxamed wuxuu waxbarashadiisa kuso qaatay wadamada Masar, Midowga Sofiyeeti, Romania,Sudan iyo Somaaliya. Sido kale wuxu ka qeyb qaatay dhowr siminar iyo shirar oo lagu qabtay gudaha dalka iyo dibada. Wuxuuna kasoo shaqeyay gobalo kala duwan oo Somaaliya ka mid ah.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=56539

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj