Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 524 views

Ururka Samafalka Ubax Faundation oo Gurmad Raashin ah Gaarsiiyay Dad ku soo barakacay deegaanka Garas Baaleey + Sawirro

Ururka Samafalka iyo Gargaarka ee ee ubax Faundation ayaa Gaarsiiyay dadka ay soo barakicyeen abaaraha iyo macluusha ee xiligaan ku dhuufatay guud ahaan shacbiga soomaaliyeed ee ku dhaqan Goboladda dalka soomaaliya.kuwaasi oo haatan kusugan duleeydka magaladda mugdisho Gaar ahaana deegaanka garasbaaleey.

Dadkaan oo iskugu jira qeybaha kala duwan ee bulshada sida curyaamiin dadka da’da ah iyo kuwa ay xoolahoodii ka dhameysay abaarta haatan ceyr ah iyo kuwo aanan xiligan heli karin nolol malmeedka ayaa waxaa la gaarsiiyay Gargaar Raashin ah oo iskugu jiray Bariis, Bur iyo Saliid ka kooban 22 kiish oo bariis ah 22 Kiish oo Bur ah iyo Todoba gartoon oo saliid ah.

Raashinkaan oo ay ku deeqeen Ururka samafalka iyo gargaarka ee Urax Foundation oo ay ku mideysan yihiin Gabdhaha Jaaliyadda Soomaliyeed ee ku dhaqan dalkaasi Sweden Gaar ahaan magaaladda Yatakoori ayaa waxay dadkaasi ku soo sadaqeysteen Raashinka gargaarka ah, waxaana loo gaarsiiyay dadkaasi barakaca ah ee ku sugan deegaanka Garas Baaleey ee duleedka magaaladda Muqdisho oo ay xiligaan ku sugan yihiin Kumanaan Qoys oo ay abaartu saameysay kuna yeelatay dhibaato weeyn kadib markii ay soo dhamaadeen Xoolo wixii ay lahaayeen waxayna nafafyaalkooda la soo gaareen duleydka magaaladda muqdisho.

Inkastoo ay haatan socdaan gurmadyo badan misana waxay u muuqataa inay weli gaabis yihiin gurmadkaasi oo aney u fulin sidii la rabay, waxaana halkaasi weli ka maqan dadaalka dawladda Soomaaliyeed inkastoo ay magacaawday Gudi gurmad ah misana weli baahidii loo abuuray waa ay taagan tahay mana muuqato wax isbadal oo ay weli gudigaasi ka sameeyeen dadkaasi soo barakaacay ee haatan tuban wadooyinka hareerahooda.

Dadkaan soo barakacay oo ay gargaarka gaarsiiyeen Ururka Samafalka iyo gargaarka ee Ubax faudation ayaa ka mahadceliyay iyagoo sheegay in ay u baahan yihiin gurnad joogta ah si loo badbaadiyo noloshoodda waxayna si gaar ah u dalbadeen dad lixaadkooda kala dhiman yahay ee had iyo jeer u baahan ka warqabjoogta ah.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=56844

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj