Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 750 views

Diyaaradii ugu horeysay ee sameysa duulimaad toos ah Muqdisho iyo Nairobi + Video

Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta ka duulay diyaaradii ugu horeysay ee muddo toban sano ka badan duulimaad toos ah ku tagta magaalada Nairobi ee wadanka Kenya.

Diyaaradaasi oo siday rakaab dhan 49-qof ayaa lahayd shirkadda African Express iyadoo si nabad ah ugu degtay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Jomo Kenyatta, halkaasi oo ay ku soo dhoweeyeen madax ka tirsan Dowladda Kenya oo uu ka mid yahay Wasiirka amniga gudaha Joseph Nkaisery iyo xubno kale.

Tallaabadaan oo ay soo dhoweeyeen shacabka labada dal ayaa jawaab u ahayd heshiis dhex maray Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=57180

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj