Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 917 views

Macalin heer caalami ah oo Tababar kubadda laliska ka bilaabay Muqdisho + Sawirro

Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ee Gos ayaa maanta magaalada Muqdisho tababar heer caalami ah uga furay macalimiin cusub oo labarayo xirfada macalinimo ee kubadda Laliska , waxaana xafladii furitaanka kasoo qeyb galay masuuliyiin ka socotay Wasaarada dhalinyarada iyo isboortiga, guddiga fulinta Gos, xiriirk klubadda Lalista ururka Ciyartoyda Soomaliyeed iyo marti sharaf kale

Ugu horeyn waxaa xaflada ka hadlay kusimha xoghayaha Gos Maxamed Xuurshe Xasan Eenow waxuuna sheegay in taabarkan uu ka mid yahay qorsaha Gos ay ku horumarnayso xiriirada iyo gobolada dalka si loo helo macalimiin soo saarta ciyaartoy tayo leh , tababarkana ay qayb ka yihiin macalkimiin cusub oo loo tabarayo macalinimo kana socda maamul goboleedyada dalka, waxuuna mahadc celin ballaran u soo jeediyay macalimiinta tababarka bixinaya.

Guddoomiyaha Xiriirka kubadda Laliska Cabduqaadir Cumar Abuukar ayaa dhankiisa soo dhaweeyay dadaalka ay Gos ku garabtaagan tahay xiriirkiisa waxuuna macalimiinta seminarkan qaadanaya kula dardaarmay in ay ka faa’iidaystaan casharada lagana doonayo in la helo macalimiin ka qayb qaadata horumarka kubadda Laliska.

Macalin George Appaddo oo isna goobta ka hadlay ayaa tilmaamay in marki labaad uu soomaaliya tababarka ka bixinayo muhiimadii koowaadna ay tahay sidii kubadda la liska Soomaaliya u horumarin lahayd isaga iyo saaxibkiisna ay iska kaashaan doonaan waxuuna tilmaamay in uu ku faraxsan yahay in uu mar kale soomaliya soo gaaro.

Gudoomiye Sharafeedka Gos Cabduqaadri Gacal Abkow oo xaflada ka hadlay ayaa sheegay in George Appaddo uu 2007 seminaar dalka ku qabtay xilli xaalado dagaalo dalka kajiran markale uu soo laabtay waxuuna macalimiinta kula dardaarmay in ay ka fa’iidaystaan macalinka iyo kaliyahiisa.

Kusimaha guddoomiyaha Gos Axmed Cabdi Xasan Wataac oo xaflada ka hadlay ayaa sheegay in macalimiinta caalamka ay lacag ku bixyaan tababarada nuucan ah si xirfadle u noqdaan , basle Gos ay dhaqaalo ku bixisay sidii ay macalimiinta Soomaaliyeed fursad u heli lahaayeen lagana doonayo in ay kasoo dhalaalaamn doorka laga filayo.

Ugu dambeyn waxaa seminarka furay wasiirka ku xigeenka wasaaradda dhalinyarda iyo Isboortiga Cusmaan Aadan Dhuuboow , waxuuna ammaan u soo jeediyay guddiga Olombikada Soomaliyeeed oo isu keenay macalinmiin doorna siiyay dhanka maamulka goboleedyada , waxuuna nacallimiinta kula dardaarmay in ay ka faa’idaysataan fursadan qaaliga ah.

Tabarakan oo ay bixinayaa George Appaddo oo dalka Mauritius u udhashay iyo Alamayu Shaotatek oo u dhashay dalka Ethiopia ayaa waxaa ka qeyb qaadanaya 15 nmacalin waxuuna socon doonaa muddo 12 maalin ah.

_MG_2228 IMG_1894 IMG_1899 IMG_1906 IMG_1926 IMG_1937 IMG_1974 IMG_2006 IMG_2049 IMG_2095 IMG_2114 IMG_2178 IMG_2189

W/D: Xuseen Maxamed Hadaafow

Waaxda warfaafinta Gos

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=8924

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj