Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
Home » Hallow Federaal You are browsing entries tagged with “Hallow Federaal”

Qaramada Midoobay oo u kuur gashay wixii ka dhaqan galay Heshiiskii Gaalkacyo

Madaxa Booliska u qaabilsan xafiiska QM ee Soomaaliya ayaa booqasho ku tagay Magaalada Gaalkacyo si ay ugu kuur galaan sida labada maamul ee galmudug iyo puntland u dhaqan galiyeen heshiiskii xabad joojinta ahaa ee labada maamul ay horay u gaareen. Wafdiga oo uu hogaaminayay Christoph Buik oo ah madaxa UNSOM u qaabilsan Arrimaha Booliska iyo […]

March 23rd, 2017 | Posted in Wararka | Read More »

Mooshin laga keenay Madaxweynaha Hirshabelle & wasiiro iscasilay + Sawirro

Xildhibaato tiradoodu ku dhow dahay 60 xildhibaan oo ka tirsan baarlamanka maamul goboleedka Hirshabelle ayaa galabta shaaciyey iney diyaariyeen mowshin ka dhan ah madaxweynaha maamulkaas Cali C/llaahi Cosoble. Xildhibaanadan dhaliilay qaabka magacaabista golaha wasiirada dowlada Hirshabelle oo uu shalay ku dhowaaqay Madaxweynaha Hirshabelle. Kulan maanta ka dhacay magaalada Jowhar ayey ku sheegeen xildhibaanada Hirshabelle in […]

February 21st, 2017 | Posted in sawirro | Read More »

Guddoomiye K/Xigeenka Baarlamaanka iyo xildhibaano ka tirsan maamulka Galmudug oo loo diiday magaalada Cadaado (Waa maxay sababta?)

Maamulka Galmudug ayaa is hor istaag waxa ay ku sameeyeen wafdi uu hoggaaminayay Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Maamulka Galmudug Xareed Cali Xareed iyo xildhibaano la socday oo qorshaha uu ahaa in ay gaaraan Magaalada Cadaado. Wafdiga xildhibaanada ah ee uu hoggaaminayay Xareed Cali Xareed Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Maamulka Galmudug, ayaa […]

February 5th, 2017 | Posted in Wararka | Read More »

Kulamadii Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug oo is hortaag lagu sameeyay

Wararka naga soo gaaraya magaalada Cadaado ee xarunta KMG u ah dowlad gobolleedka Galmudug ayaa sheegaya in wali halkaa uu ka taagan yahay ismari-waaga siyaasadeed ee ka dhashay khilaafka soo kala dhaxgalay xidhibaannada maamulka iyo madaxtooyada. Wararkii ugu danbeeyay ee naga soo gaaraya Galmudug ayaa sheegaya in maleeshiyaad hubeysan is hortaag ku sameeyeen kulan ay […]

January 24th, 2017 | Posted in Wararka | Read More »

Dagaal beeleed qasaare geystay oo ka dhacay degaano ka tirsan gobolka Sh/dhexe

Wararka ka imaanaya gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in maleeshiyaad hubeysan oo u abaabulan qaab qabiil ay ku dagaalameen inta u dhexeysa deegaanada Miir-Tuugo iyo Ceelbaraf oo hoostaga degmada Mahadaay ee gobolkaas. 2 kamid ah dhinacyadii dagaalmay ayaa ku geeriyooday dagaalka tiro intaa ka badana waa ay ku dhaawacmeen, waxaana weli is hor fadhiya dhinacyada dagaalamay. […]

January 22nd, 2017 | Posted in Wararka | Read More »

Axmed Madoobe oo xiray kala fadhigii labaad ee Wakiilada Jubbaland, kana hadlay culeys ka jira Jubaland + Sawirro

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta soo xiray kala fadhigii labaad ee Baarlamaanka Dowlada Jubbaland. Madaxweynaha ayaa Golaha Wakiilada u jeediyay qudbad dheer oo uu kaga hadlay dhinacyo badan. Arimaha Amaanka, Dhaqaalaha, Hanaanka Dowliga ah, iyo Xoraynta ayuu si weyn diirada ugu saaray Madaxweynahu qudbada uu Maanta ka jeediyay […]

January 15th, 2017 | Posted in sawirro | Read More »

Madaxtooyada Galmudug oo beenisay warqad lagu baahiyay baraha bulshada

Madaxtooyada Galmudug ayaa beenisay warqad been abuur ah oo lagu baahiyay baraha bulshada, taas oo ku aadaneyd in Madaxweynaha Maamulka Galmudug uu aqbalay xilka qaadistii lagu sameeyay. Afhayeenka Maamulka Galmudug C/laahi Xaashi Roob Da’ay oo la hadlay warbaahinta Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in been abuur ay tahay warqadaasi, Maamulka Galmudugna aysan ka soo […]

January 13th, 2017 | Posted in Wararka | Read More »

Madaxtooyada Galmudug oo War degdeg ah kasoo saartay Xil ka Qaadistii lagu sameeyay C/Kariin Guuleed

War-Saxaafadeed goordhaw kasoo baxay Madaxtooyada Maamulka Galmudug ayaa looga soo horjeestay Kalsooni kala noqoshadii Xildhibaanada Baarlaaanka Maamulka Galmudug maanta ku sameeyeen Cabdikariin Xuseen Guuleed. War kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Galmudug ayaa lagu sheegay mid sharci daro ah Go’aankiii ay Baarlamaanka maanta kalsoonida kala noqdeen Xildhibaanada Galmudug, waxaana lagu sheegay Warkan in aysan marnaba aqbaleyn waxii […]

January 10th, 2017 | Posted in Wararka | Read More »

Xubnaha ku guuleystay aqalka sare ee ka soo jeeda beelaha Waqooyi (La soco magacyada iyo tirada)

Doorashada xubnaha Aqalka Sare ee gobalada Waqooyi ayaa maanta ka dhacday magaalada Muqdisho waxaana la doortay ilaa iyo Lix xildhibaan, Iyadoo Xubnaha la doortay ay ka mitahay Muno Cumar Xasan oo ka tirsanayd Suxufiyiinta Warbaahinta Qaranka. Sidoo kale xubnaha la doortay waxaa ka mid ah xildhibaan Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo mudo badan ka soo tirsanaa […]

January 8th, 2017 | Posted in Wararka | Read More »

C/Weli Gaas iyo C/Kariin Guuleed oo heshiis ka gaaray arrinta Gaalkacyo

Madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada Galmudug iyo Puntland ayaa maanta ku kala saxiixday xarunta madaxtooyada Villa Somalia heshiis ku saabsan joojinta xiisada colaadeed ee magaalada Gaalkacyo. Hishiiskan mar kale ay kala saxiixdeen labada dhinac ayaa dhigaya in laga shaqeeyo sidii nabad loogu noolaan lahaa magaalada Gaalkacyo, waxaana si rasmi ah hishiiska u saxiixay madaxweynayaasha labada dowlad gobolleed […]

January 1st, 2017 | Posted in Wararka | Read More »

Daraasad laga soo saaray taariikhda Gaalkacyo iyo sababaha keena dagaalada soo noq noqday

Magaalada Gaalkacyo oo ah xarunta gobolka Mudug ayaa waxaa daraasad dheer laga sameeyay sababaha keena dagaalada ku soo laab laabtay iyo sababaha mar kasta keena hurinta colaadaha faraha badan. Daraasadaan oo uu sameeyay machadka Heritage ee daraasaadka siyaasadda ayaa ka kooban dhowr bog isla markaana si qoto dheer looga hadlay xilmi baaris in muddo ah […]

December 29th, 2016 | Posted in Wararka | Read More »

Fashilkii ugu horeeyay ee qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka cusub oo bannaanka u soo baxay

Kulankii ugu horeeyay ee xildhibaanada Baarlamaanka cusub ayaa waxaa soo baxay durba fashil la soo gudboonaaday qaar ka mid ah mudanayaasha cusub ee la dhaariyay kuwaasi oo la sheegayo in sifo aan sharci ahayn loogu dhaariyay kursaata Baarlamaanka. Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka madaxa bannaan Avv. Cumar Cabdulle oo isagu ka mid ahaa madaxda ka qeyb gashay […]

December 28th, 2016 | Posted in Wararka | Read More »

Xildhibaan Ducaale: “Dadka Muqdisho waxaan ugu baaqayaa inay ka dhiidhiyaan xadgudubka lagula kacay” (Wareysi)

Mid ka mid ah xildhibaanada hormuudka u ah mudanayaasha labada aqal ee ku guuleystay doorashadii ka dhacday magaalada Jowhar xarunta gobolka Sh/dhxe ayaa afka furtay, wuxuuna si kulul uga hadlay halka ay mareyso marxaladda doorashooyinka dadban ee ku dhow gabagabada. Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow Ducaale oo ka mid ah xubnaha aqalka hoose ee baarlamanka Soomaaliya […]

December 25th, 2016 | Posted in Wararka | Read More »

Beelaha Waqooyi ee Somaliland xubnihii uga haray aqalka Hoose oo Muqdisho lagu soo gabagabeeyay (Warbixin xasaasi ah)

Xarunta Gaadiidka Booliska ee magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu soo gabagabeeyay doorashada aqalka hoose xubnaha u matalaya beelaha Waqooyi ee Somaliland, kaddib markii ay ka soo baxeen ilaa afar Mudane oo ka guuleystay musharaxiintii ay la tartamayeen. Saddexda xildhibaan ee beelaha Isaaq u matalaya aqalka hoose oo uu ka mid yahay Xuseen Carab Ciise horayna […]

December 22nd, 2016 | Posted in Wararka | Read More »

Guddiga doorashooyinka oo kansalay 11-Xildhibaan oo ku guuleystay kuraasta labada aqal (Daawo)

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka ayaa soo saaray liis ay ku qoran yihiin ilaa 11-xubnood, kuwaasi oo ku guuleystay tartanka kuraasta Baarlamaanka cusub ee ka dhacday gobolada dalka. Xildhibaanadaan ayaa la faray in mar kale lagu tartamo, iyadoo aan la ogeyn go’aanka guddiga uu dib ugu celiyay 11-ka Xildhibaan, hase yeeshee warar hoose ayaa sheegaya […]

December 14th, 2016 | Posted in Wararka | Read More »

Afar xildhibaan oo labo ka mid ah ay haween yihiin oo Muqdisho lagu doortay

Magaalada Muqdisho ayaa maanta oo Isniin waxaa dib uga bilaabatay Doorashada xildhibaanada Aqalka Hoose ee ka imaanaya Gobolada Waqooyi. Kursiga Koowaad waxaa ku soo baxday Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha Dowladda Federaalka Sahro C/qaadir C/raxmaan, waxaana ay heshay codad gaaraya 48 cod. Kursiga 2 baad waxaa ku soo baxay Jamaal Xasan Ismaaciil, oo horey […]

December 12th, 2016 | Posted in Wararka | Read More »

Shirka hoggaamiyeyaasha madasha oo soo saaray jadwal cusub ‘Qodobada lagu heshiiyay’

Shirka madaxda Soomaalida ee ka furmay magaalada Muqdisho ayaa waxaa laga soo saaray go’aano ku saabsan doorashooyinka dadban ee dalka ka dhacaya, iyadoo laga soo saaray qodobo dhowr ah isla markaana jadwal cusub laga soo saaray. Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islam (Axmed Madoobe) ayaa ka maqan shirka, hase yeeshee waxaa kulanka xaadir ku ahaa […]

December 9th, 2016 | Posted in Wararka | Read More »

Prof. Samatar: “Doorasho maahee waa xulasho, Ilaahey waxaan ka baryayaa xaaraanta socota inuu xalaal ku bedelo”

Xaaladda doorashooyinka nooca cusub ah ee uu wajahayo dalka Soomaaliya ayaa noqotay mid laga sheekeynayo gudaha dalka iyo dibadda, kaddib ay ka dhaceen arrimo aan horay loo arkin. Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo ka mid ah aqoonyahanada ugu caansan dalka Soomaaliya ayaa isagoo u waramayay idaacadda VOA-da waxa uu sheegay in hannaanka musuqmaasuqa iyo lacagta […]

December 4th, 2016 | Posted in Wararka | Read More »

Faadumo Dayib oo war cusub ka soo saartay warbixin ka qoray wargeyska Washington Post (Dhageyso)

Musharaxa Madaxweynaha Soomaaliya Faaduma Qaasim Dayib oo dhowaan wareysi ay siisay wargeyska Washington Post ee ka soo baxa dalka Mareykanka ayaa waxay ka soo saartay war cusub, iyadoona sheegtay in si aan ka fiirsasho lahayn loo geliyay suuqa. Haweeneydaan ayaa waxay sheegtay in iyadu aanay marnaba oran waan ka tanaasulay musharaxnimadeyda, iyadoo arrintaasi ka beenisay […]

December 4th, 2016 | Posted in Wararka | Read More »

Mid ka mid ah musharaxiinta ugu cadcad ee xilka Madaxweynaha oo daaha ka rogay arrimo qarsoonaa (Dhageyso)

Waxaa sii kordhaya khilaafyada ka taagan hannaanka doorashooyinka dadban ee dalka ka socda, kuwaasi oo u dhaxeeya madaxda xilka ka dhammaaday, musharaxiinta Madaxweynaha, Waxgaradka beelaha iyo beesha caalamka oo ku jaha wareertay dacwooyinka iyo cabashada la xariirta musuqmaasuqa xadka dhaafay. C/raxmaan Cabdi Shakuur oo ka mid ah musharaxiinta ugu cadcad xilka Madaxweynaha ayaa shalay shir […]

December 4th, 2016 | Posted in Dhageyso | Read More »

UGAAS XASAN: “Waa ka xumahay Max’ed Cabdi Afey inuu kala garan waayo Islii iyo Hiiraan, waxaana soo baxay…”

Waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan ayaa qabtay kulan looga hadlaayo xaaladda wadanka, doorashooyinka dadban, go’aankooda ku aadan isbedelka siyaasadeed ee dalka ka dhacaya. Xubnaha odayaasha dhaqanka ee kulankaasi ka hadlay waxaa ka mid ahaa Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo ugu horeyntiiba ka hadlay kulamadii kala duwanaa ee uu la qaatay wafdiga ka socda urur […]

December 1st, 2016 | Posted in Wararka | Read More »

Wasiirka Howlaha guud oo sheegay in musuqmaasuq Maroodi ka weyn ka magaalada Baydhaba + Sawirro

Shir aad u balaaran oo looga hadlayay musuq-maasuqa hareeyay doorashooyinka ka soconaya Magaalada Baydhabo ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho. Munaasabadii Shirkaasi oo si qurux badan loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qeyb galay masuuliyiin ka socotay Dawladda Federaalka Soomaaliya, madax dhaqameedyo matalayay beesha GALADI, culumaa’udiin, aqoonyahano, qurba joog, haween, dhallinyaro iyo marti sharaf […]

November 30th, 2016 | Posted in sawirro,Wararka | Read More »

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj