Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
Home » Sheeko You are browsing entries tagged with “Sheeko”

Filim cusub oo Soomaali ah (Dollar baa jacayl dilay)

Qisada filimkaan cusub oo ah mid taabaneysa qoyska, gaar ahaan wiilasha iyo gabdhaha, doorka waalidka iyo toosinta ubadkooda, ayaa waxaa ka qeyb qaadanaya jilayaal da’ yar ah isla markaana filimka waxaa lagu sameeyay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Sheekada iyo isku duba ridka filimka waxaa gacan ka geystay magacyada kuu soo muuqanaya, iyadoo muhiimadda filimkaan […]

March 21st, 2017 | Posted in Latest Video | Read More »

MAXAAD KA TAQAANAA MAALINTA JACELKA ADDUUNKA, MACNAHA KU DUUGAN IYO SABABTA AY KU TIMID?!!

Maanta oo ah 14-ka bisha Febraayo 2017-ka ayaa loo aqoonsaday inay tahay maalintii jaceylka Adduunka {Valentine’s day}, waxaana la isku diraa maalintan fariimo jaceyl, ubaxyo qurux badan iyo hadiyado qaali ah oo ay is-dhaafsadaan lamaanayaasha is jecel, isguursaday amaba kuwa is doondoonaya ee uu xiriirku ka dhaxeeyo, haddaba maxay tahay ujeedada ka dambeysa munaasabaddan iyo […]

February 14th, 2017 | Posted in Wararka | Read More »

MAXAA DUMARKII QURBAHA EE SOOMAALIYEED “SINGLE-MOTHERS” KAWADA DHIGAY? (Q: 2AAD)

HORDHAC/GOGOL-DHIG Allaah ayey mahad oo idili usugnaatay. Nabadgalyo iyo naxariisina nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo. Aqristoow, waxaan Qeybtii 1-aad uga soohadlay waxyaabaha dumarka Soomaalida ahi ee dhulalkan gaalo jooga sameeyaan ee sababta u ah burburka guryaha Soomaaliyeed ee qurbaha.Waxaana ciwaano uga dhigay: Dumarkii inkaarta qabay, leeymankii shirarka, sharta iyo sheeydaanka, iyo ugu dambeyn taleefanada […]

January 17th, 2017 | Posted in Wararka | Read More »

Qalanjadii Qarashka Diidday! (Sheeko Xiiso leh)

Wuxuu arkay iyada oo meel is ka maraysa, oo laafyaha tuuraysa, oo diraca iyo googaradda hadba dhinac ka qabanaysa. Waa wiil sawir-qaade ah, una shaqeeya mid ka mid ah shirkadaha ugu caansan ee wax xayeysiiya. Markaas ayuu ka soo daba orday,”iga raali noqo, wax yar ma kula hadli karaa?”, ayuu ku yiri, dhegba jalaq uma […]

January 1st, 2017 | Posted in Wararka | Read More »

Sheeko, sheeko Q. 17aad: Gaso, ganuun, Gasiin W/Q Prof. Cali Jimcaale Axmed

Sheeko, sheeko! Sheeka Xariir! Milay ay weli u muuqato rabti ay geberti iyo igaarki ku haasaabaayeen, ayuu odaygi meel aan aktiisa ka fogeyn ka arkay rag fadhiya oo ay ku heeraaranyihiin kuwa rogga ama taagan. Inta ow nibirsaday ayow indhaha la raacay waxa u ekaa dad meel ku tuursan ama shamuumsan ama xoonsan. Minow u […]

December 3rd, 2016 | Posted in Wararka | Read More »

Sheeko gaaban oo qalbiga Taabaneysa “Miyaadan ogeyn in wiilkeyga xaaladiisa qatar…?”

Dhakhtarkii wuxuu soo galay cisbitaalka isagoo degdegaya kadib markii ay u yeereen maamulka shaqaalaha si u sameeyo qalliin deg deg ah oo xilligaasi taagnaa. Wuxuu toos ugu gudbay qolkiisii wuxuu soo xirtay dharka loogu talagay qalliinka wuxuuna u sii gudubtay qeybta qaliinka. Wuxuu arkay nin hadba dhinac u socda oo sugaya dhakhtarkii qaliinka sameyn lahaa, […]

November 29th, 2016 | Posted in Wararka | Read More »

HALKAN WAA RADIO REER HEBEL: Ku soo dhowaada wararkii, Ogeysiis iyo digniin

Dhageystayaal marka hore waxaan idinka raalli gelineynaa cillado badan oo soo wajahay Istuudiyeyaasheena faraha badan ee halka qol ku yaala, intaas kaddib waxaanu guda galeynaa jadwalkeenii idaacadeed oo aad nooga barateen, hase yeeshee dhageystayaasha caalamka ku sugan waxay nagala socon karaan baraha xiriirka bulshada ee aan ku leenahay. Barnaamijka maanta waxaa idiin daadihinaya anigoo ah […]

November 6th, 2016 | Posted in Wararka | Read More »

Sooyaalkii taxanaha Axmad Xaayoow 1958-2016

Axmad Mocoow Xaayoow “Dulmidiid” Eebbe ha unaxariistee wuxuu ku dhashay degmada Waaberi, ee magaalada Muqdisho, gobolka Banaadir, bishii March 12/1958. Dugsiga hoose wuxuu uga soo baxay Xamar Jajab, Dugsiga dhexana Raage Ugaas, sanad dugsiyeedki 1979/80 ayuu dugsiga uga baxay Macallin Jaamac. Wuxuu March 15. 1986 ka qalinjebiyay kulliyadda waxbarashada “Lafoole”, kuna takhasusay XISAABAAD/FISIKIS. Ka dib […]

November 5th, 2016 | Posted in Wararka | Read More »

MARXALADDA MAANTA: Xogta hoose ee Qorraxjoogta iyo Qurbajoogta (Wareysi)

Tan iyo markii ay meesha ka baxday Dowladdii Kacaanka AUN Jaalle Maxamed Siyaad Barre waxaa sii kordhayay barakaca shacabka Soomaaliyeed ay uga hayaamayaan dalka si ay u helaan nolol dhaanta midii ay dalkooda uga soo carareen, taasi oo ay barbar socotay xilkasnimo darro sababtay in la xaalufiyo guud ahaan dalka ilaa aakhirka cagta la mariyay […]

November 4th, 2016 | Posted in Wararka | Read More »

Sheeko, sheeko Q. 11aad: Gaso, ganuun, Gasiin W/Q Prof. Cali Jimcaale Axmed

Sheeko, sheeko!      Sheeka Xariir!   Raq waraabe. Waraabe dhintoo, tuuladii waa nabad. Dhegdheer dhimatoo/dhulkii waa nabad. Waxay ahayd maalin lagu diirsaday, kal iyo laabna loo khashuucay hiillo ka timid libaax rixin iyo qaraabo aqoon ah. Raynrayn, faajafaajo, iyo farxad ayaa tuuladii afarteeda dacal laga dareemay. Waxaa maalintaas la sheegay in dadki tuulada oo […]

October 15th, 2016 | Posted in Wararka | Read More »

TAARIIKHDA CALANKA SOOMAALIYA IYO CALAMADII SOOMAALIDA EE JIRAY BOQOLAAL SANO KA HOR.

Calanka Soomaaliya oo loo yaqaan KULMIYE, waxaa loo aqoonsaday astaan calan qaran 12/10/1954. Sanadkii 1949 jamciyada qurumaha ayaa ogolaatay in talyaanigu xuriyad gaarsiiyo Somalia , waxaa dusha ka eegayay in xuriyada nala gaarsiiyo Masar, Filibiin iyo kolombiya (Egypt, the Philippines and Columbia) . Xasuusin: si loo xushmeeyo saddaxdaa wadan ayaa wadada guriga Haweenka gadaal ka […]

October 12th, 2016 | Posted in Ka faa'iideysi,Wararka | Read More »

Sheeka Gaaban: Dhiig haw daadin waxaad nabad iyo nidaam ku heli karto.

Goor ku aadan 1952di,nidaamka koofurta dalka Soomaliyana uu gacanta ku haayay isticmaarki Talyaaniga, ayaa dhul Baadiyaha Waqooyi Bari kaga aadan Degmada Jowhar waxaa ka dhacay, Sheeko in badan darsi u noqon karto,dadkana ka baran karo in mar mar loo baahan yahay kaashiga Caqliga Ilaahey nagu manneystay si looga badbaado ama looga koro dhiig ku daato […]

September 27th, 2016 | Posted in Wararka | Read More »

Sheeko, sheeko Q. 4aad: Gaso, Ganuun, Gasiin (Prof. Cali Jimcaale Axmed)

Sheeko, sheeko! Sheeka Xariir! Waa waqlal magacbixinteedu ka sal weyntahay mid qof ku kooban; waa magacbixin wadareed, sidoo kalena u baahan sulux iyo heshiis waabaayo miir ah. Magacbixin mug weyn oo lagu soo alooso isir horleh, guubaabo gaaxmaala. Utun bixin saar katumiskeedu dalbado ama dihdo wax ka weyn wan jara. Saar katumis lagu  iidaamo wilisaqo, shabshable, […]

August 29th, 2016 | Posted in Wararka | Read More »

SADDAXDII DAGAAL EE LAFOOLE

Qeybta 3-aad: Inkastoo dadka badankiisu ay xasuustaan dagaalkii lafoole ee Antonio Cecchi lagu dilay,haddana qoraalada badankoodu waxa ay qorayaan in lafoole ay ka dhaceen saddax dagaal oo wacdaanku ku guuleystay iyo kuwa kale oo looga guuleystay. Lafoole 1-kii ugu horeeyay waxa uu dhaxmaray Wacdaan iyo “Gaala madoow” u soo haajirtay gobalka shabeelaha hoose qarnigii 18aad,(( […]

August 11th, 2016 | Posted in Wararka | Read More »

SAAMEYNTA DAGAALKII LAFOOLE: (Gaalo madow iyo cadaan u haajirtay Sh/hoose)

(Qeybta 2aad) Talyaanigu waxa uu waday qorshahiisii ahaa aar gudsiga, Jeneral: Baldissera wuxuu soo jeediyay in wacdaanka iyo Biyamaalka xoog lagu maquuniyo laakin Sir. Tittoni wuxuu qabay in farsama aan dagaal aheyn lagu dayo lana kala fur furo qabiilada is baheeysiga ah. Waxa kale oo uu soo jeediyay in ciidanka ku duulaya wacdaan oo markaa […]

August 7th, 2016 | Posted in Wararka | Read More »

Buug uu qoray nin Masar u dhashay oo laga diiday in Faransiiska lagu daabaco

Madbacad ku taala dalka Faransiiska ayaa diiday in ay daabacdo buug loogu magac darray Fashiisiyiinta Islaamiga ah” Buuggaan oo uu qoray qoraa Xaamid Cabdisamad oo u dhashay dalka Masar. Buuggan oo lugu tarjumay afka faransiiska, ayaa qorshuhu wuxuu ahaa inuu soo baxo bisha sibteember ee inu soo fool leh bartamaheeda. Hase ahaatee madbacadii daabici laheyd […]

August 6th, 2016 | Posted in Wararka | Read More »

SAAMEYNTA DAGAALKII LAFOOLE: (Gaalo madow iyo cadaan u haajirtay Sh/hoose)

(Qeybta 1aad) Talyaanigu dagaalkii lafoole kadin waa xadiday faragalinta arrimaha Soomaalida, lamana dhihi Karin mustacmarad, dhowr ciidan ah oo carab u badnaa ayaa ku ilaalin jiray xeryaha shirkadiisii ganacsi ee Filonardi Company, ayana dhaqdhaqaaqeeda waa xadiday. Dhacdadii lafoole ka hor waxaa jiray hal dhacdo oo cadawtinima abuurtay 1893 iyo 1896 ,tan hore oo aheyd 11/oktobar […]

August 5th, 2016 | Posted in Wararka | Read More »

Sheekadii Jaceylka Toddobada Su’aalood

Qeybta 3aad: Jawaabaha todobada ah ee sheekadan waxey ku bilaabaneysaa sidan: Gabadha waxey ku soo jawaabtay anna waan ku jecelahay, ninka kabalyeeriga ah wuxuu ku dharbaaxay wiilka soomaaliga ah wuxaa ahaa cunsuri aan u ogoleyn wiilkan Madow in gabadhan cad uu jaceyl la wadaago. Ninka milkiilaha maqaayadda wuxuu ku dharbaaxay kabalyeerigiisa maxaa galay isaga kaliya […]

August 1st, 2016 | Posted in Wararka | Read More »

Sheekadii Jaceylka Toddobada Su’aalood W/Q Siciid Xagaa

Qeybta 2aad: Haddaan sheekada qeybteedii koowaad dib inoo xusuusiyo waxey inoo joogtay wiilkii oo ku dul fekeraya warqada waxa uu gabadha ugu qori lahaa ugu danbeyn ayuu go’aansaday in uu ku qoro …. I LOVE YOU kadib wuxuu u dhiibay Kabalyeerigii isagana maba sii daahine siduu isii waday ayuu gabadhii farta ka saaray una tilmaamay […]

July 21st, 2016 | Posted in Wararka | Read More »

ANIGA IYO GODKA JILICOOW ANIGA IYO GODKA JILICOOW (Xaqu haduu qaraar yahay soow qotomi maaha)

Qeybtii 4aad:- Dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacey waxaan ka baranay in talada qaranka gacanta loo galiyo qabiilka, qabiilkuna uu soo xulo qofka aay u yaqaanaan (Nin karmeed) oo macanheedu yahay nin adeg oo qabiilka daacad u ah oo waxuu xaq u lahaa u soo dhiciya, waxa dad kalena u soo booba. Habraac kasta oo […]

July 14th, 2016 | Posted in Wararka | Read More »

Sheekadii Jaceylka 7-da Su’aalood Q/1aad W/Q Siciid Xagaa

Laba wiil oo saaxiibo ah ayaa markii ay dhameeyeen degriiga koowaad ee jaamacadda waxey go’aansadeen in Masterka ay dibadda ku soo diyaariyaan, labada wiil mid reerkiisa dhaqaale ayey leeyihiin halka kan kalena reerkiisa ay faqiir yihiin. Kii danta yaraa ayaa reerkiisa ku qasbay meel kasta oo loo geli karo in loo galo reerkuna xoolo waxey […]

July 13th, 2016 | Posted in Wararka | Read More »

Martino iyo Anzilotti ‘Talyaanigii xukumi jiray Muqdisho’

Gabar ku nool Mogadishu oo reer magaal iska dhigee ayaa laga yaabaa in mid miyiga ka timid ay ugu faanto.Anigu waxaa ku dhashay Isbitaalka Martiini, waxaana deganahay xaafada Ansalooti, laakin adigu baadiyaad ku dhalatay waxaadna degantahay Huriwaay.waxaa laga yaabaa in tan ku faanee iyo tan loogu faanayo midna ayna aqoon asalka magacaa. Laga yaabee in […]

July 8th, 2016 | Posted in Wararka | Read More »

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj