Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
Home » video You are browsing entries filed in “video”

Soomaalida Canada oo bilaabay kacdoon cusub (Daawo khudbado aan waxba la isku reeban)

som-canada

Magaalada Toronto ee wadanka Canada waxaa ka furmay shirweyne ballaaran oo looga dhawaaqay kacdoonka cusub ee dhallinyarada Soomaalida, waxaana kulankaasi ka soo qeyb galay culumaa’udiin, aqoonyahano, haween, dhallinyaro iyo askar ka tirsan Dowladda Canada. Kulankaan oo ujeedadiisu tahay in lagu badbaadiyo Soomaalida dalkaasi degan mudada 25-ka sano ka badan, kuwaasi oo iyagu dhibaatooyin kala duwan […]

May 1st, 2016 | Posted in Ka faa'iideysi,video | Read More »

Boqollaal muhaajiriin ah oo jabsaday derbiyada xerada jasiirada Lampedusa + Video

Migrants from North Africa arrive in Lampedusa

Xerada jasiirada Lampedusa ee wadanka Talyaaniga waxaa ka dhacday arrin si weyn loola yaabay, kaddib markii boqolaal tahriibe ay derbiyada ka boodeen, kuwaasi oo qaarkood ay soo gaareen dhaawacyo kala duwan. Wararka ayaa sheegaya in tahriibayaasha ku xareysnaa jasiirada Lampedusa ay ka baxsadeen saraakiisha diiwaan gelinta oo ka qaadi lahaa faraha, iyadoo tiro aad u […]

May 1st, 2016 | Posted in video | Read More »

65 Sano Jir Qoriga u qaatay inuu la dagaalamo Al-Shabaab ‘sababo murugo leh oo ku kalifay’ + Video

65-jir

Odayaasha dhaqanka Hiiraan, gaar ahaana Miyiga fog ee gobalka Hiiraan ayaa qaadanaya doorkooda ku aadan siddii ay qeyb uga qaadan lahaayeen la dagaalanka Al- Shabaab, si ay deegaankooda uga helaan amaan & kala dambeyn, caawina uga heleen Bulshada Caalamka. Odayaasha dhaqanka ee deegaanka Maxaas & Moqorkori ee gobalka Hiiraan, waxaana ay sheegeen in ay ku […]

May 1st, 2016 | Posted in video | Read More »

Gabdhaha quruxan ee Hargeysa oo la sheegay in habeen kasta mid loo geeyo rag cadaan ah + Video

hargeysa1

Sheekh Aadan Siiro oo kamid ah Culimada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku dhaqan Degaanada Somaliland ayaa sheegay in arin halaag oga imaan karto habeen kasto sameyaan rag cadaan ah oo halkaasi ku nool. Sheekha ayaa sheegay in wiilal yar yar oo halkaasi shaqooyin ujooga in habeen kasta gabar aad u yar oo reer hargeysa ah […]

April 30th, 2016 | Posted in video | Read More »

Soomaalida Sweden oo wacdaro ka dhigay Gotenburg + Video

6

Magaalada Gotenburg ee caasimada labaad wadanka Sweden waxaa ka furmay kulan ballaaran oo ku saabsan bishii luqadda iyo dhaqanka Soomaalida, iyadoona halkaasi uu ka dhacay wacdaro ay ka muujiyeen fannaaniin, dhallinyaro iyo aqoonyahano Soomaaliyeed. Munaasabadda furitaanka bisha luqadda iyo dhaqanka Soomaalida ayaa waxaa ka soo qeyb galay boqolaal ruux oo isugu jira jaaliyadaha Soomaaliyeed iyo […]

April 30th, 2016 | Posted in Qurba-joogta,video | Read More »

DEGDEG: Garoonka diyaaradaha Hargeysa oo lagu qabtay rag ka tirsan Al-Shabaab iyo qalab ay wateen + Video

dr.cumar

Xukuumadda Somaliland ayaa markii ugu horeysay ka dhawaajisay in magaalada Hargeysa ay ku sugan yihiin saraakiil ka tirsan ururka Al-Shabaab iyo madax ka tirsan hay’adaha kala duwan ee Jamhuuriyadda Somaliland. Wasiirka Duuliska iyo hawada Somaliland Dr. Cumar oo magaalada Hargeysa kula hadlayay Saxaafadda ayaa shaaca ka qaaday in garoonka diyaaradaha Cigaal Airport ay ku qabteen […]

April 29th, 2016 | Posted in video | Read More »

Somaliland oo soo saartay digniin iyo hanjabaad ku socota Dowladda Federaalka Soomaaliya + Video

Maxamed Yuusuf Muraad

Maamulka Somaliland ayaa laga xusay maalinta ciidamada qalabka sida, iyadoo boqolaal ka tirsan askarta Milateriga lagu soo bandhigay magaalada Burco, halkaasi oo ay khudbado kala duwan ka jeediyeen madax iyo mas’uuliyiin ka tirsan Jamhuuriyadda iskeed uga go’day Soomaaliya inteeda kale. Maxamed Yuusuf Muraad oo ah Maayarka degmada Burco ayaa halkaasi ka jeediyay khudbad ay ka […]

April 29th, 2016 | Posted in video | Read More »

Xildhibaanada Turkiga oo dagaal dhex maray, xilli ay ka doodayeen sharci cusub + Video

Turkiga-Xildhibaanada-Gacankahadal-740x386

Dooda Baarlamaanka ayaa markii danbe isu bedashay gacan ka hadal kadib markii xildhibaano badan soo buuxiyeen goobtii uu ku shirayey guddiga sharcigaan ka dooda kahor intaan loo soo gudbin codbixinta Baarlamaanka. Xildhibaanada dalka Turkiga ayaa gacanta isula tagay xili Guddiga sharuucda uu ka doodayey sharci cusub oo dowlada u fasaxaya inay xasaanada ka qaado qaar […]

April 29th, 2016 | Posted in video | Read More »

Mareykanka iyo Ruushka oo ku hardamaya Soomaaliya (Daawo Warbixin dhinacyo badan)

usa-russia

Dowladaha Mareykanka iyo Ruushka oo uu ka dhaxeeyo xifaaltan iyo tartan dhinaca xiriirka dalalka caalamka ah, ayaa iminka bilaabay inay ku tartamaan dalka Soomaaliya muddo 25-sano ah kaddib. Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyay Telefishan laga leeyahay dalka Mareykanka waxa uu uga hadlay xiriirka ay Soomaaliya la leedahay […]

April 26th, 2016 | Posted in video | Read More »

Koox taageersan ururka Daacish oo ku tababaraneysa xerooyin ku yaala Soomaaliya + Video

Dac2

Koox taageersan ururka Daacish ee ka dagaalama dalalka Suuriya iyo Ciraaq isla markaana uu hoggaamiyo Sheekh C/qaadir Muumin ayaa bilowday dhaqdhaqaaqyo ay ka sameyneyso gudaha wadanka Soomaaliya. Hoggaamiyaha Daacish-ta Soomaaliya ayaa ka soo muuqday Video isagoo dhex taagan boqolaal ka tirsan maleeshiyada kooxdaasi oo u badan caruur, kuwaasi oo tababar ku qaadanaya xero tababar oo […]

April 26th, 2016 | Posted in sawirro,video | Read More »

Waxgaradka beesha Habargidir oo digniin culus, hanjabaad iyo dardaaran aan caadi ahayn u diray madaxda sare ee DFS + Video

Caaqil-xasan

Waxgaradka iyo odayaasha ka soo jeeda beesha Habargidir ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho waxay ka soo saareen digniin culus, hanjabaad iyo inay dagaalamayaan. Kulanka oo ay ka soo qeyb galeen Guddoomiyaha guddiga dhaqanka beesha Habargidir Abuukar Ganeey, Caaqil Xasan Cilmi Yaxye iyo xubno kale, kuwaasi oo iyagu dhammaantood sheegay inay soo gaareyso cabashooyin […]

April 26th, 2016 | Posted in video | Read More »

Abaydin Abaydin dhalay (Daawo qiso cajiib ah oo si toos ah u taabaneysa Ragga iyo Dumarka)

abaydin

Waxaan halkaan idinkugu soo gudbineynaa qiso cajiib ah oo ku saabsan ragga iyo dumarka, isla markaana Soomaalida dhaqanka ay caanka ku tahay ka hadleysa, gaar ahaan arrimaha guurka iyo xilliyada ay haboon tahay lamanayaasha inay dhisaan noloshooda. Riwaayadaan waxaa diyaariyay Jilayaasha Barbaarta Qalaamo Rogadka iyo kooxda Nice Star, waxaana ka qeyb qaadanaya wiilal iyo gabdho […]

April 25th, 2016 | Posted in fanka,video | Read More »

Salaad Cali Jeele “Amaanka Muqdisho Waa Isku Tuur Tuur, Cid Gacanta Ku Hayso Ma Jirto….” – *Daawo*

image

Salaad Cali Jeele “Amaanka Muqdisho Waa Isku Tuur Tuur, Cid Gacanta Ku Hayso Ma Jirto….” – *Daawo*

April 25th, 2016 | Posted in video | Read More »

ILA FIIRSO : Barnaamijka Kaftanka Sport-ga Oo Xiiso Kulul Xambaarsan By Abdikadir Boss & Luul Shaaluu

ILA FIIRSO_Barnaamijka Kaftanka Sport-ga_By_Abdikadir Boss

Halkani waa Warbaahinta Somaliweyn.com, Sadriga iyo Laabtiyo, Sararaha Dhexdoodiyo, Saablayda Feeraha, Kalgaceyl kasoo go’ay, Saaxiibada na sugayow Hambalyiyo samaan iyo Salaan naga gudooma Halkan Ka Daawo Hadduu ku dhaafay Barnaamijkii Kaftanka Sport-ga By Abdikadir┬áBoss & Luul Shaaluu oo Todobaadkaan badi aan kaga hadli doono musiibadii badda. DAAWO : –    

April 25th, 2016 | Posted in Dhageyso,Football,Qurba-joogta,video,Wararka | Read More »

Xildhibaan Ahmed Hussein oo ka hadlay qiso dhab ah kuna saabsan Soomaalida iyo dadka Canada

ahmedMP

Xiriirka u dhaxeeya dadka u dhashay Soomaaliya iyo shacabka dalka Canada oo ahaa mid soo jireen ah, ayaa waxaa markii ugu horeysay ka hadlay Xildhibaan Axmed Xuseen oo ka tirsan Baarlamaanka dalkaasi Canada. Xildhibaan Axmed Xuseen ayaa ka hadlay qiso cajiib ah oo dhex martay isaga iyo Ra’iisal Baarlamaanka gobolka Albert ee wadanka Canada, isagoona […]

April 23rd, 2016 | Posted in video | Read More »

Weriyeyaal howlo shaqo u jooga magaalada Jowhar oo xaalad laga welwelo la kulmay + Video

jowhar3

Weriyeyaal ku guda jira howlahooda shaqo ayaa magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe waxaa ku qabsatay qiso naxdin leh, kaddib markii lagu fyray rasaas aan loo aaba yeelin, taasi oo sababtay inay halkaasi isaga cararaan. Telefishan Somali Caple weriyeyaal ka tirsan ayaa xilli ay wareysi ka qaadayeen nin oday ah, isla markaana ay ka wareysanayeen […]

April 21st, 2016 | Posted in video | Read More »

Wabiga Shabeelle oo si rasmi ah u biyo keenay (Daawo Xiintoyda iyo farxadda reer Jowhar)

wabi-2

Dadka ku dhaqan magaalada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe ayaa caawa ku caweynaya farxad iyo damaashaad aan caadi ahayn, kaddib markii wabiga mara bartamaha magaalada uu si rasmi ah biyaha u keenay xiintoyda dhawaaqeedii hore dib u soo laabtay. Wabiga Shabeelle oo mara gobolada Hiiraan, Sh/dhxe iyo Sh/hoose ayaa biyaha ka burqanaya saacadba saacadda ka damebeysa […]

April 20th, 2016 | Posted in video | Read More »

VIDEO: Dad ku geeriyooday mowjadaha Badda iyo qax cusub oo ka bilowday gudaha Dekedda weyn ee Muqdisho

IMG_2826

Waxaa maalintii labaad galay mowjadaha iyo dabeylaha xoogan ee ka dhacaya dhinaca xeebta ee magaalada Muqdisho, iyadoo ay caruur ugu geeriyootay mowjadaha Badda isla markaana meydadkooda laga soo saaray meel ku dhow dekedda Muqdisho. Boqolaal dadweyne ah ayaa isugu soo xoomay xeebta agagaarka Hotelka Curuba ee degmada Shangaani, kaddib markii la waayay raq iyo ruux […]

April 20th, 2016 | Posted in video | Read More »

ILA FIIRSO : Barnaamijkii Kaftanka Sport-ga By C/qaadir Booska & Luul Shaaluu

Kaftanka_Sport-ga

Halkani waa Warbaahinta Somaliweyn.com oo niyad sami iyo qalbiyo furan idinkusoo dhawaynaysa Halkan Ka Daawo Hadduu ku dhaafay Barnaamijkii Kaftanka Sport-ga By C/qaadir Booska & Luul Shaaluu oo waliba Todobaadkaan xiiso iyo qosol gaar ah xambaarsan   C/risaaq IndhaJaceyl  

April 19th, 2016 | Posted in Dhageyso,fanka,Qurba-joogta,video,Wararka | Read More »

Midab kala sooc iyo takoor ka bilowday dekedda Berbera

gaadiidley

Jamhuuriyadda la baxday Somaliland ee ka go’day Soomaaliya inteeda kale, waxaa ka socota cunsuriyad maalinba maalinta ka dambeysa sii kordheysa, iyadoo iminka Dekedda magaalada Berbera uu si xowli leh uga socdo midab kala sooc iyo takoor nooc cusub. Gaadiidleyda ka shaqeeya Dekedda magaalada Berbera ayaa soo saaray cabasho ku saabsan midab kala sooca ka socda […]

April 19th, 2016 | Posted in video | Read More »

FAAHFAAHIN: Tahriibayaal Soomaali ah oo iyagoo xaaladoodu liidato laga soo badbaadiyay xeebaha Masar + Video

soomaali-tahriib

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya dalka Masar ayaa sheegaya in xeebaha dalkaasi laga soo badbaadiyay Boqolaal Soomaali ah oo isugu jira rag, haween, caruur iyo dad da’ ah, kuwaasi oo xaaladooda nololeed aad u liidato. Dadka la soo badbaadiyay ayaa la sheegayaa in qaarkood iyagoo meyd ah ay soo tuftay badda, halka kuwo […]

April 18th, 2016 | Posted in video | Read More »

Kenya oo ka hortageysa Maroodiga Soomaaliya ku noqonaya (Daawo qalabka casriga ah ee lagu xirayo)

maroodi2

Hay’adda xayawaanada iyo duur joogta Dowladda Kenya ayaa bilowday howlgallo looga hortegayo Maroodiga dib ugu laabanaya Soomaaliya, iyadoo diyaaradaha qumaatiga u kaca, dhaqaatiir iyo khubarrada xannaanada xayawaanka la geeyay xeryaha ay ku sugan yihiin Maroodiyeyaasha. Sarkaal ka tirsan hay’adda xayawaanada iyo duur joogta Dowladda Kenya ayaa sheegay in Maroodi kasta oo ku jira xeryaha dalkooda […]

April 18th, 2016 | Posted in video | Read More »

muun